Dhaawaca wariye qarax lagu weeraray oo Muqdisho lagu daweynayo

by Hassan Ali | Sunday, Mar 12, 2017 | 109 views

12,March,2017(SofoNews) Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku dhaawacmay Farsamiyaqaan ka mid ah shaqaalaha Tvga Universal xarunta Magaalada Muqdisho kadib markii gaarigiisa loogu xiray waxyabaaha qarxa.
Qaar kamid ah shaqaalaha tvga Universal ayaa sheegey in dhaawaca Cabdixamiid Maxamed “Karsaay” uu yahay mid culus isla markaana lagu daweynayo mid ka mid ah Xarumaha Caafimaadka Magaalada.
Dhaqaatiirta caafimaad ayaa ku howlan sidii loo daweyn lahaa sidii ay u dabiibi lahaayeen dhaawacaasi oo aad u liita sida la sheegayo.
Muddooyinkii ugu dambeeyeey magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilala qorsheysan qaraxyo iyo weeraro is bar bar socoda.

Like it? Share it!