Degmada Tiyeglow oo markale laga qabsaday Shabaab

by Hassan Ali | Monday, Nov 14, 2016 | 293 views

14,Novemver,2016(SofoNews) Howlgal looga soo horjeedo Shabaab ayaa ka soconaya gobolka Bokool ayadoo Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koofur Galbeed ay dib ula wareegay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool, halkaasoo maalmo ka hor ay qabsadeen Al-Shabaab, kaddib markii ay isaga baxeen ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa.

Warar  ay heleyso SomaliaFocus ayaa sheegaya  in ciidamo ka socoda Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay qabsadeen degmadasi Tiyeglow.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa Tiyeeglow ay isaga baxeen, kaddib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Koofur Galbeed ay ku soo dhowaadeen magaaladaasi.

Xildhibaan Ibraahim Xasan Buulle ayaa sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa Koofur Galbeed oo is kaashanaya ay la wareegeen Tiyeeglow, isagoo xusay in xalay Al-Shabaab isaga baxeen.

Waxaa uu sheegay in ciidamada ay horay u soo qabsadeen deegaanka Ceel Garas, haatan uu qorshahooda yahay inay nadiifiyaan Tiyeeglow oo ay guri guri baaritaan ugu sameeyaan.

Tan iyo markii ciidamada Itoobiya ay ka bexeen deegaano dhowr ah waxaa ku suganaa Alshabaab inkastoo haatan ay soconayaan dadaalo ku aadan sidii dib loogu qabsan lahaa goobihii ay Shabaabku maamulayeen.

Like it? Share it!