Deg Deg: Madaafiic Lagu soo Ganay Airport ka Muqdisho

by admin | Tuesday, Mar 14, 2017 | 155 views

15 March 2017 (SofoNews) – Warar kala duwan ayaa sheegaya in dhowr madfac ay ku soo dhaceen agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn qasaaraha ka dhashay ayaa waxaa uu bartilmaameedkiisu ahaa saldhigga ciidamada ee garoonka.

Dadka ka ag dhow garoonka ayaa sheegay in guuxa madaafiicda ay maqlayeen kuwaasi oo dhowr jeer soo dhacay, sida ay hadalka u dhigeen.

Al-shabaab ayaa dhowr weerar oo qaraxyo u badan ka fulisay caasimadda tan iyo markii la doortay, madaxweynaha hardanka kujira ee Farmaajo kaasi oo sheegay in dagaal xooggan uu la gelidoono kooxdan.

Like it? Share it!