Deg Deg: Dagaal ka qarxay Gaalkacyo heshiiskii Dubai Kaddib

by admin | Sunday, Nov 6, 2016 | 202 views

6 Nov 2016 (SofoNews) – Ilo wareedyo ayaa ku waramaya in Magaalada Gaalkacyo uu dib uga qarxay dagaal maalmo kaddib heshiiskii Dubai ay ku wada gaareen labada dhinac ee dagaalamaya.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa in muddo ah ku dagaalamaya Gaalkacyo iyada oo marxalado kala duwan uu soo maray qaabka dagaalka uu u socdo iyo sidoo kale heshiisyo hergeli waayay.

Dagaalka saaka ka qarxay Gaalkacyo waxaa bar barsoconaya madaafiic ay ridayaan labada dhinac sida ay ku waramayso Somaliafocus.

Heshiis dhowaan hogaamiyayaasha labada maamul ay ku gaareen Gaalkacyo ayaa u muuqanaya mid aan hergelin waxaana dagaalkan uu noqonayaa kii 2-aad oo ka dhaca Gaalkacyo tan iyo markii heshiiska ay ku kala saxiixdeen Gaalkacyo.

 

Like it? Share it!

Leave A Response