Deegaanada Soomaaliland oo lagu arkay falal naxdin leh

by Hassan Ali | Thursday, Mar 30, 2017 | 114 views

30,March,2017(SofoNews) Maalimo kadib markii ay soo ifbexeen warar sheegaya in deegaano katirsan Soomaliland lagu arkaya falal la xiriira in dadka beerka iyo keliyaha lagala boxo ayaa waxaa durnab arrinkaasi ka hadlay mas’uuliyiinta Soomaaliland.
Laamaha amanaka Soomaaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in ay tahay wax kama jiraan wraarkaasi la isla dhexmarayo.
Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland C/llaahi Fadal iimaan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa Markii ugu horeysay ka hadlay Warar lagu Faafiyay Baraha ay Bulshadu ku Xariirto,iyadoo Warkaas lagu sheegay in Degaanada Somaliland ay joogaan Dad ajaanib ah oo Dadka kala baxa Beerka iyo Kilyaha.
Taliye C/llaahi Fadal ayaa Xusay in Warkaasi uu been yahay islamarkaana aysan jirin Dad ku nool Somaliland oo Kilyahooda iyo beerkooda lala baxay.
Qaar kamid ah bulshada kunool deegaanada Soomaaliland ayaa waxaa ay siweyn u hadal hayaan arrimahaasi oo noqday hadal haynta ugu badan

Like it? Share it!