Dastuurka HIrshabeele oo wax laga bedelay

by Hassan Ali | Monday, Oct 31, 2016 | 345 views

31,Oct,2016(SofoNews) Mudanayaasha baarlamaanka maamulka  Hirshabeelle ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Jowhar ayaa ansixiyay  wax ka bedel lagu sameeyo qaar kamid ah qodobada dastuurka maamulka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Cismaan Barre Maxamed ayaa u sheegay weriye ka tirsan jowhar.com in xildhibaanada maanta ay cod u qaadeen in wax laga bedelo labo qodob oo ka mid ah dastuurka maamul goboleedka Hirshabeelle.

Xildhibaanada ayaa cod u qaaday wax ka bedelida qodobka 31aad cutubkiisa 3aad ee dastuurka Hirshabeelle kaasoo diidayay in xildhibaanada baarlamaanka ay qaban karaan xilalka heer wasiir ee maamulka Hirshabeele, hase yeeshee codkii loo qaaday in wax laga bedelo qodobkaan ayay xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle cod aqlabiyad leh isugu raaceen in wax laga bedelo maadaama uu ka hor imanayo qodobka 97aad ee dastuurka Federalka ah.

Xildhibaanada soo xaadirey oo ahaa 98 xildhibaan ayaa waxaa diiday 3 xildhibaan halka 1 xildhibaan uu ka aamusay,sidaa darteed ayaa qodobkaas uu ku noqday mid wax laga bedelay waxana lagu bedelay qodobkan  xildhibaanada inay ka qaban karaan xil dowlada Hirshabeelle.

Sidoo kale xildhibaanada Hirshabeelle ayaa waxa ay wax cod u qaadeen qodobka 40aad ee dastuurka Hirshabeelle cutubkiisa3aad kaasoo qoraya in marka xilliga baarlamaanka uu dhamaado uu guddoomiyaha Maxkamada Sare kala diri karo baarlamaanka. Hase yeeshee xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa soo bandhiga in wax ka bedel lagu sameeyay qodobkaan.

 

Like it? Share it!