Daraasiin ku dhawaacmay Rabshado ka dhacay Daanta Gaza

by admin | Friday, Dec 8, 2017 | 37 views

Ugu yaraan 100 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen kaddib rabshado ka dhacay Daanta Galbeed ee Gaza. Ciidamada Yuhuudda ayaa furay rasaas, sida ay soo wariyeen kooxaha caafimaadka kaddib markii banaan baxayaal ay buux dhaafiyeen Daanta Galbeed Khamiistii.

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday go’aan aad uga careysiiyay dunida Islaamka waxaana dalal dhowr ah ka soconaya dibadbaxyo lagu dalbanayo midnimo iyo in laga hortago qorshaha maldahan ee Mareykanka.

Mareykanka ayaa Jerusalem u aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israel.

Kumanaan dad ah oo ka kala yimid magaalooyinka Hebron iyo Al Bireh ayaa ku qaylinayay ” Jerusalem waa caasimadda Dalka Falastiin”, goob jooge ayaa yiri.

Arinta ayaa noqoneysa mid saameyn ballaaran ku yeelata siyaasadda Mareykanka ee Bariga Dhexe walow aan la ogeyn go’aanka ay qaadan doonaan dalalka carbeed oo xulafada dhow la ah Mareykanka.

Like it? Share it!

Leave A Response