Danjiraha QM ee Soomaaliya oo Baladweyne gaaray

by Hassan Ali | Thursday, Jan 5, 2017 | 165 views

5,January,2017(SofoNews) Wefdi uu hogaaminayo wakiilka Gaarka ah ee QM u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Micheal Kitting  ayaa goor dhow gaaray magalaad Baladweyene ee xarunta gobolka Hiiraan halkaasi oo lagu soo dhaweeyey.

Danjiraha QM ayaa loo galbiyaya gudaha magalaad halkaasi oo kulamo uu kula yeelanayo madaxda Hirshabeele iyo qeybaha bulshada.

Ujeedaad socdaalka ayaa la xiriirka u kuurgalka xaaladaha dhanka abaaraha ee ka jira halkaasi ayadoo dad badan ay ka soo barakeceen deegaanadooda.

Sidoo kale Magaalada Baledweyne waxaa ku sugan Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo si weyn uga soo horjeeda Maamulka uu Madaxweynaha u yahay Cali C/llaahi Cosoble ee Hirshabelle.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa maalintii labaad ku sugan Magalaada Baladweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan oo maalintii shalay u soo gaaray isaga iyo wafdi u horkacayo,

Cali Cabdulaahi Cosoble oo u weheliyo  Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre ayaa maanta lagu wada in ay Magalaada Baladweyne kulan kula qaatan Maamulka Gobolka,waxgaradka,dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada  islamarkana kala hadli doona  xoojinta heshiiiskii dhawan ka dhax dhigay beelihi ku dagalamay Galbeedka Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa dhinac kale lagu wada inu waxgaradka iyo Maamulka kala hadlo ariimaha la xirira  abaraha iyo sidii gar gaar loo gaarsiin laha dadka xoolo dhaqatad ee ka soo barakacay qeybo ka mid ah Gobollada dalka ee ku sugan bariga Gobolka Hiiraan halkaaso dhawan u ka da’ay roobabkii deyrta.

 

Like it? Share it!

Leave A Response