Dalka Finland oo lagu qabtay bandhiga hidaha iyo dhaqanka Soomaalida

by Hassan Ali | Saturday, Oct 29, 2016 | 354 views

29,Oct,2016(SofoNews) Bandhiga buugaagta iyo dhaqanka Soomaaliyeed  oo ah mid socoday mudo
laba cisho ah ayaa lagu qabtay magaalada Espoo Ee dalka Finland.
Bandhiga waxaa ka soo qeybgalay qeybahakala duwan Ee bulshada Somalidaku dhaqan Dalka Finland,  ajaanib xiiseynaysay in ay wax ka bartaan dhaqanka Soomaalida iyo dadkale oo marti sharaf ahaa .
Intii uu socday kulankaan waxaa lagu soo bandhigay buugaag ay ku
qoranyihiin  sooyaalkii taariikheed Ee Soomaalidii shalay iyo tan
maanta,   sheekooyin,   Gabahayo ka turjumaya Taariikhda iyo dhaqanka
Soomaaliyeed,  Cuntooyinka iyo agabayo kale.
Ugu horeyn waxaa bandhiga  daahfuray Timo Harakka oo ah mudane ka tirsan Baarlamanka dalka Finland kana  katirsan Xisbiga SDP iyo Cabdiraxmaan Cali Jiimi oo ah mudane  Soomaali ah oo laga soo doordo Goloha Deegaanka magaalada Espoo

Siciid Aadan iyo Amb Awliyo oo madasha hadalo iskugu jira mahadnaq iyo
suugaan lagu cabirayo qiimaha afkeena hooyo leeyahay ka jeediyay.
Bandhigaan oo ah mid kor loogu qaadayo dhaqanka Soomaaliyeed ayaa  13
kii sano Ee lasoo dhaafay waxaa lagu qabanayay dalka Finland.

Like it? Share it!

Leave A Response