Dalalka Indonesiya iyo Malesiya oo gar gaar u soo diraya Soomaaliya

by Hassan Ali | Saturday, Mar 18, 2017 | 124 views

17,March,2017(SofoNews) Shirar kaladuwan oo looga hadlaya arrimaha abaaraha Soomaaliya iyo sidii loogu gurman lahaa ayaa ka dhacay wadamada Malesiya iyo Indonisiya ,Wasiirka difaacada Malaysia ayaa sheegey in ciidan iyo gar gaar kale ay Soomaaliya u soo dirayaan si ay u caawiyaan dadka dhibaataysan.
Raiisul wasaare kusigeenka Soomaaliya Max’ed Cumar Carte ayaa lakulmay madaxda dalalkaasi ayagoo ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xaaladaha abaaraha ee kataagan Soomaaliya.
Gurmadka Soomaaliya loo dirayo waxaa la socda 3 sargaal iyo 17 ciidamada qalabka sida oo qaabilsan daawaynta sida ay sheegayaan madaxda dalkaasi Malesiya.
Ciidamada loo dirayo Soomaaliya ee haatan ku sugan Sucuudiga waa koox la doortay waxayna ka howlgaleen hadda kahor dalka Yemen oo ay kasoo badbaadiyeen shicib u dhashay dalka Malaysia oo Yemen ku sugnaa.
Wadamo badan oo caalamka kamid ah ayaa haatan wada dadaalo ay ugu gurmanayaan dadka dhibaataysan ee kusugan caalamka.

Like it? Share it!

Leave A Response