Dagal qaraar oo ciidanka K,Galbeed iyo Alshabaab ku dhexmaray gobolka Bay( Sawirro)

by Hassan Ali | Sunday, Mar 19, 2017 | 121 views

Sida ays heegayaan wararka laga helayao deegaanka Xawaar barbaar oo katirsan gobolkaka bay, dagaal qasaare geystay oo u dhexeeya Alshabab iyo ciidanka K,Galbeed ayaa lagu soo waramaya in a=uu halkaasi ka dhacay.
Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka uu yimid kadib markii ciidamo katirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa dowlada Federaalka ay horkacayaan Wasiiro iyo saraakiil ay jidka u galeen alshabaaab ayadoo ujeedka safarka uu ahaa in gurmad la gaarsiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Ciidamada K,Galbeed ayaa la sheegey in dagaalkasi uu kaga dhintay 1 askari ayadoo ay ku dhaawacmeen ilaa 9 kale, taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Koofur Galbeed Cabdulle Isaaq ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay inta u dhaxeysa Baydhabo iyo Qansaxdheere ku dileen 7-katirsan Al Shabaab.
Majiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka Alshabaab ee ku aadan dagaalkaasi, Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa Dowlada ayaa la sheegay intii howlgalka uu socday in ay gubeen guryo la sheegay in ay degnaayeen xubno katirsan Al Shabaab oo kuyaalay deegaanka uu ka dhacay dagaalka.
Wefdigii ayaa la sheegey in uu idb ugu soo laabtay magaalada BAydhabo ee xarunta gobolka Bay ayadoo halkaasina uu dhaq dhaqaaq ciidan uu ka soconayo haatan.

qansax_1 qansax_2 qansax_3 qansax_4 qansax_5 qansax_6

Like it? Share it!

Leave A Response