Dagal goor dhow ka dhacay Shabeelaha Dhexe

by Hassan Ali | Thursday, Mar 2, 2017 | 101 views

2,March,2017(SofoNews) Ilo wareedyo aanu ka heleyno gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dadaal u dhexeeya Alshabaab iyo ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay deegaano katirsan gobolkaasi.
Dagaalkan oo ka dhacay nawaaxiga Tuulada Biyo Cadde ayaa dhacay kadib markii ururka Alshabaab ay wadada u galeen ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya oo ku safrayaay deegaano ku yaala inta u dhexeysa Jowhar iyo Mahadaay ee gobolkaasi.
Goobjooge kusugan magaalaad Jowhar ayaa ayaa SomaliaFocus u sheegey in inta la ogyahay 1 askari oo katirsan dowladda uu ku geeriyooday weerarkaasi gaad mada ahaa ayadoo uu gubtay gaari ay wateen askarta dowladda.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada wadada loo galay xili ay ku guda jireen qaadashada mushaharaadkooda oo ka soconaya deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ciidamo gurmad ah ayaa la sheegey in ay goobtaasi gaareen ayadoo durba halkaasi ay ka tageen Alshabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response