Dagaal xoogan oo ka dhacay Shabeelaha Hoose

by Hassan Ali | Wednesday, Dec 14, 2016 | 179 views

14,December,2016(SofoNews) Ilo wareedyo ay SomaliaFocus heleyso ayaa sheegaya in Gobolka Shabellaha Hoose uu Xalay Dagaal Culus  ku dhexmaray  Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo ururka SHabaab  gaar ahaan Tuulooyin hoosyimaada Degmada Qoryooley ee Gobolkaasi Shabellaha Hoose.

Sida ay warbaahinta u sheegeen Saraakiil ka tirsan Milatariga, Weerar ayaa waxaa soo  qaaday Alshabaab kuwaasi oo ka soo duulaan tagay Tuulooyin ay ku sugnaayeen Al-shabaab oo Hoosyimaada Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Majiro ilaa iyo haatan qasaare rasmi ah oo laga hayo dagaalkaasi balse waxaa la isku adeegsanayay hubka noocyidiisa kaladuwan.

Goobjoogeyaal ku sugan Degmada Qoryooley ayaa sheegay in Dagaalka si weyn looga maqlayay Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Shabaab dhankooda weli kama hadlin Dagaalka Xalay ka dhacay Tuulooyin hoosyimada degmada Qoryooley.

Mudooyinkii ugu dambeyeey waxaa ka jiray qeybo kamid ah gobolada dalka howlgalo la doonayay in Alshabaab dalka looga saaray ka hor doorashooyinka balse ma muuqato arrintaasi ayadoo la gaaray waqtigii doorashooyinka welina majiraan ifi faalooyin muujinaya in Shabaab laga saaro guud ahaan dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response