Dagaal ka dhan ah Alshabaab oo waddooyinka dalka lagu furayo oo bilowday

by Hassan Ali | Thursday, Apr 13, 2017 | 109 views

13,April,2017(SofoNews) C/rashiid C/llaahi Maxamed Wasiirka oo ah wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya ayaa ku booriyay Ciidamada dowladda inay bilaabaan howl gal la isku furayo waddooyinka ay jareen Al-Shabaab ee gobolada dalka kadib markii ay sii fogaadeen cabashooyinka ka imaanaya shacabka eek u aadan Alsahabab.

Howlaha horyaala wasiirka cusub waxaa kamid ah sidii Alshabaab looga saari lahaa dhamaan deegaanada dalka ay kaha sugan yihiin, ayadoo haatan ay socdaan qorshayaal iyo dadaalo ku aadan sidii amaanka loo sugi lahaa.

Al-Shabaab ayaa jartay waddooyinka isku xira inta badan deegaanada ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, si aanay sahayda ugu gaarin, hase ahaatee waxaa ciidamada sahayda lagu gaarsiiyaa diyaarado qumaatiga u kaca.

Hadalka wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya ayaa imaanaya ayadoo loo dabaal degay sanadguuradii 57aad ee ka soo wareegatay aas aaska ciidanka xooga dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response