Dagaal ka dhacay Shabeelaha Hoose iyo Alshabaab oo deegaano laga qabsaday

by Hassan Ali | Thursday, Apr 6, 2017 | 82 views

6,March,2017(SofoNews) Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hosoe ayaa shegayaa in Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ay kala wareegeen Alshabaab ilaa Afar Tuulo oo hoos tagto Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Korneyl Daahir Maxamed Faarax (Kumaandoos) oo kamid ah sraakiisha hogaaminaysa dagaalkaasi ayaa sheegey in ciidamadooda ay Alshabaab ka qabsadeen deegaano dhowr ah oo katirsan gobolka Shabeelaha Hose, sida deegaanada Kibile , waagaale iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha ayaa xusay in ay weli ku daba jiraan Maleeshiyaadkii ay ka ceyriyeen deegaanadaasi asaga oo xusay in ay jiraan dagaalo yar yar oo kaga imaanayo dhanka Alshabaab balse waxa uu sheegay in dhamaan xoog ku jiiri Doonaan.
Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya ayaa u muuqdo in ay durbaba bilaabeen ka jawaab celinta Dalabkii Wasiirka gaashaandhiga ee ahaa in Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya looga Fadhiyo in ay Furaan dhamaan Wadooyinka ay ku sugan yihiin Al-shabaab si dadka abaaraha Saameeyeen Gargaar loo gaarsiiyo.
Wasiirka cusub ee gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegey in dhawaan ay qaadi doonaan talaabooyin adag oo dhanka militariga ah si Alshabaab looga saaro goobaha ay ku sugan yihiin islamarkaana gar gaar loo gaarsiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Like it? Share it!

Leave A Response