Dagaal ka dhacay Muqdisho iyo Boqolaal Xabsiga la Dhigay

by admin | Thursday, Mar 16, 2017 | 188 views

16 March 2017 (SofoNews) – Wararka ka imaanaya degmada Hiliwaa ayaa tilmaamaya in dagaal ka dhacay halkaasi uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo ahaa mid laga dareemay deegaano kamid ah Muqdisho ayaa waxaa uu dhexmaray ciidamo nabadsugidda iyo kuwo la sheegay in ay katirsanyihiin Xarakada Al-Shabaab, waxaana sida maamulka gobolka Banaadir uu sheegay dagaalka ay ku dileen sarkaal Xarakada al-shabaab u qaabilsanaa degmada Hiliwaa.

Dagaalka ayaa bilowday kaddib markii ciidamada Nabadsugidda ay ku dhaqaaqeen baarista goobo lagu tuhunsanaa in ay degan yihiin xubno al-shabaab ah, hasee yeeshee ciidamada ayaa iska caabin la kulmay xilligii howlgalka uu socoday.

Sikastaba, ciiadamada ayaa howlgalkaasi ku soo qab qabtay ku dhowaad 400 ruux oo dhallinyaro u badan howlgallo si ballaaran looga fuliyay deegaano ay kamid tahay Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Waa tiradii ugu badnayd ee lagu soo qabto howlgal in muddo ah, waxaana tani ay u muuqaal egtahay xilli ciidamada ay lacago ku sii deyn jireen dadka la soo qabto dowladihii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Like it? Share it!