Dagaal ka dhacay degmada Mahadaay ee Shabeelaha Dhexe

by Hassan Ali | Tuesday, Jan 17, 2017 | 191 views

17,January,2017(SofoNews) Ilo wareedyo ay heleyso SomaliaFocus ayaa sheegaya in ururka Alshabaaba ay hebeenkii xalay weerar ku qaadeen degmada Mahadaay ee gobolka SHabeelaha Dhexe halkaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda ioyo kuwa Amisom.

Dadka deegaanka ayaa sheegay ain rasaas xoog leh laga maqlayay saldhig Milatari oo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Buurane o hoostaga degmadaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay iska hor imaadkan iyo qasaarihii ka dhashaya, hase ahaatee weerarara Alshababa ay ku qadeen degmadaasi ayaa ah kuwo soo noqnoqday.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xili 42 sacadood aynu soo dhaafnay gudahooda mas’uuliyiinta maamulkaasi ay ku guda jireen howlo kormeer ah oo ay ku sameynayeen deegaano katirsan degmada oo ay kajiraan abaaro iyo cuduro.

Like it? Share it!