Dagaal ka dhacay degmada Ceel-Waaq ee Gedo

by Hassan Ali | Monday, Dec 12, 2016 | 239 views

12,December,2016(SofoNews) Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo qasaare dhaliyay uu xalay ka dhacay degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo.

Dagaalka oo u dhexeeyayay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Shabaab ayaa ka dambeyeey markii rag katirsan ururka Shabaab ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen degmadaasi.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid xiigan si rasmi ahna looma faah faahin qasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhacay, Alshabaab ayaa goor dambe isaga baxay magaaladasi.

Wararka ayaa sheegaya in Alshabaab ay 3 meelood ay ka soo galeen magaaladaasi Ceel-Waaq taasi oo u sahshay in in ay goobaha muhiimka ah muddo kooban ay qabsadaan.

Xaaladda ayaa saaka degan inkastoo uu jiro dhaq dhaqaaq ciidan, howlgalo baaritaano ah ayaa saaka ka soconaya halkaasi, ciidamo katirsan dowladda Kenya ayaa la sheegay in dhawaan ay halkaasi isaga bexeen..

Like it? Share it!