Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Shabeelaha Dhexe

by Hassan Ali | Saturday, Feb 25, 2017 | 83 views

25,February,2017(SofoNews) Dagaalkani oo qasaaraha dhaliyay islamarkaana u dhexeeya beelo ood wadaag ah ayaa lagu soo waramaya in uu ka dhacay deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
Inta la ogyahay 5 qof oo dhinacyadii dagaalamayaya ah ayaa ku geeriyooatay 3 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi oo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dagaalku uu salka ku haayo aanooyin Qabiil iyo sidoo kale dilal horay uga dhacay degaanada lagu dagaalamaayo.
Maamulka Hirshabeelle ayuu ugu baaqay in ay si deg deg ay arintaan usoo farageliyaan inta aysan sii fidin.
Dagaalkaasi ayaa u muuqda in uu daba socdo dagaalo horey u dhexmaray labadaasi beelooda waxaana soconaya dadaalo ku aadan sidii loo joojin lahaa dagaaladaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response