Dad toorey isku dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee Shabeelaha Hoose

by Hassan Ali | Thursday, Apr 20, 2017 | 111 views

20,April,2017(SofoNews) Sida goob joogayaal ay ku waramayaan muran dhuleed dhaliyay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deeganka Ceelasha biyaha oo katirsan gobolka SHabeelaha Hosoe.
Dadka degan,  Deegaanka lagu magacaabo Arbacow oo katirsan Ceelasha Biyaha ayaa sheegey in labo nin ay tooray isku dileen kadib markii ay ku murmeen dhul deegaankaasi ku yaala.

Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in sidoo kale Dhacdadaasi kadib labo wiil ay dhaleen labada nin ee is dilay iyana ay mar kale gacmaha iskula tageen iskuna dhufteen toorey, waxaana labadaasi wiil la sheegay in uu soo gaaray dhaawacyo culus oo ka dhashay tooreyda ay isku dhufteen.

Durba goobtaasi waxaa gaaray Ciidamo katirsan dowlada oo ku sugan deegaanka Ceelasha biyaha kuwasi oo bilabaay in ay kala dhexgalaan qoysaskaasi dagaalamya.
Dhulalka la isku heesto ayaa mararka qaar waxaa ka dhasha dagaal gacan ka hadal ah oo dhaliya khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dhacdadan maanta ka dhacday Ceelasha biyaha ay noqotay mid dad badan ka naxeen aadna loo hadal hayo.

Like it? Share it!

Leave A Response