Dad shuban biyood ugu dhintay Hiiraan

by Hassan Ali | Monday, Mar 6, 2017 | 95 views

6,March,2017(sofoNews) Deegaano katirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa kataagan xaalado bani’aadanimo aad u adag ayadoo maamulka uu sheegayo in ay sii kordhayaan tirada dadka ay dhibaatooyinka ka soo gaarayaan xaaladaha macluusha ah.
Sheekh Cismaan Xuseen Cali oo ah gudoomiyaha Arimaha Bulshada Ee Gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta u sheegey in kormeer ay ku sameeyeen xaaladahaasi bani’aadanimo ay u soobaxday in xaaladdu ay tahay mid aad u adag.
Wuxuu intaasi ku daray in Hadii aan wax laga qaban Arimaha Abaaraha Kajira Gobolka Hiiraan Ay Badan Doonto Dhimashada Dadka u dhimanaayo Gaajada iyo Nafaqo Darada.
Tiro hor leh ayaa la sheegayaa in macluul ay ugu dhinteen gobolka Hiiraan maalmihii ugu dambeyeey ayadoo isbitalka guud ee magalaadaasi la soo dhigay dad qaba cudurka shuban biyoodka.
24saac Ee lasoo Dhaafay ayaa Waxaa Magaalada Beledweyne Ugu Dhintay Xaalad Nafaqo Daro 2 ruux Oo kamid ahaa Dadka kunool Kaamamka Kuyaala Magaalada Beledweyne

Like it? Share it!