Dad ku dhaawacmay Madaafiic ku dhacday Meel U dhow Villa Soomaaliya

by admin | Friday, Mar 31, 2017 | 80 views

31 March 2017 (SofoNews) – Dhowr Madfac ayaa lagu weeraray xarunta madaxtooyada magaalada Muqdisho, taasi oo sababtay dhaawaca Illaa iyo Labo ruux oo la sheegay in ay shacab yihiin.

Cabdi Cali, oo ah Captain Booliiska katirsan ayaa warbahinta u sheegay in qaraxyada madaafiicda oo ahaa kuwo xooggan laga maqlay meel aad ugu dhow magaalada. Waxaana ay ahayd xilli la qorsheynayay in ay shir yeeshaan golaha wasiirada ee dhowaan la ansixiyay.

Kabtanka ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay yihiin Labo haween ah, islamarkaasina ay wadaan baaritaano ku aadan dhacdada.

Majiraan warar dheeraad ah oo ku saabsan weerarka, waxaana sidoo kale aanu jirin koox sheegatay masuuliyadda weerarka oo badanaa ay fuliyaan kooxda al-shabaab oo mucaaradsan dowladda.

Like it? Share it!

Leave A Response