Dad ka soo cacaray dhibaatada Alshabaab oo kismaayo gaaray

by Hassan Ali | Thursday, Mar 16, 2017 | 171 views

16,March,2017(SofoNews) Dadkan barakacayaasha ah ee soo gaaray magaalada kismaayo ayaa waxaa isagasoo hayaameen guud ahaan dagmooyinka jubbaland gaar ahaan deegaanada jubada hoose kadib markii ay lakulmeen dhibaatooyinka kaladuwan.
Dadkan oo iskugu jira carruur haween iyo dad da,a ah ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqanayay diifta dhibaatada abaaraha kuwaasi oo xoolahooda ay kaga lee deen abaaraha jira awgeed.
Waxay ka soo hayaameen goobaha ya gacanta ku hayaan Alshabaab halkaasi oo aan suuro gal ahayn in la gaarsiyo gurmad deg deg ah.
Waa kuwan qaaarkamid ah dadkaasi oo aan ku booqday duleedka kismaayo oo ay ka sameesteen guryo ay ka sameysteen baco iyo cooshado waxaan ay ii sheegeen in ay dhibaatooyin kala kulmeen alshabaab goobaha ay gacanta ku hayaan.
sidoo kale dadkan maanta waxaa booqday gudiga gurmadka abaaraha juibbaland oo sheegay in ay deeq raashin ah gaarsiin doonaan dadkan si loo caawiyo sida uusheegay gwasiir ku xigeenka gudiga gurmadka abaaraha.
Ma ahan oo kaliya meelaha ay abaaruhu kajiraan Jubbaland balse waxaa abaartu ay saameysay guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya.

Like it? Share it!