Dad biyo sumeysan ugu geeriyooday gobolka Bay

by Hassan Ali | Monday, Jan 30, 2017 | 151 views

30,January,2017(SofoNews) Ilo wareedyo laga helayo gobolka Bay ayaa sheegaya in ay sii kordhayso tirade dadka u dhimanaya cudurka Shuban biyoodka oo dhawaan ka dilaacay deegaano katirsan gobolkaasi.

Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Maanta 32 Qof ay ku dhinteen Degaanka Masuubiye oo u dhexeeya Magaalada Baydhabo iyo Awdiinle ee gobolka Bay.

Dadka ayaa la sheegay in ay u dhinteen Biyo ay cabeen,wararka yaa intaasi ku daraya in dadkaasi ay biyaha isticmaaleen ay ahaayeen kuwo sumeysan ttaasi oo keenta geerida dadkaasi.

Wasiirro ka tirsan Maamulka Koofur Galbeedayaa  tagay Goobta waxaana ay sheegeen in ay wax ka  qaban doonaan dhibaatada sidoo kale  waxaa jiraa dad aad u badan oo la dhigay xarumaha caafimaad ee deegaanadaasi.

Macadd ailaa iyo haatan sababaha rasmiga ah ee arrimahaasi ka dambeeya waxaana ay walac arrintani ku beertay dadka deegaanadaasi kunool.

Like it? Share it!

Leave A Response