Dad badan oo guriyohoodi lagu gubay gobolka Shabeelaha Dhexe

by Hassan Ali | Tuesday, Apr 4, 2017 | 109 views

4,April,2017(SofoNews) Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Boqolaal qoys oo ku noolaa tuulooyin hoos taga degmadaasi Balcad ay ka barakacay deegaanadoodii kadib markii la gubay guryihii ay degenaayeen ee tuulooyinka Jameeco Misra, Maqdas iyo Kulmis Yarow.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in maleeshiyaad beeleedyo halkaasi uu ku dhexmaray dagaal sababaya qasaare naf iyo maal intuba.
Waxgaradka deegaanka iyo culimaa’udiinka ayaa wada dadaalo ku aadan sidii loo xalin lahaa dagaalkaasi oo u dhexeeya labo beelood waxaana uu sababaay dagaalkaasi in guriyohoodi ay ka barakacaan dad aad u farabadan.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan degmada Balcad ayaa gaaray deegaanada ay ka dhaceen dagaal beeleedka ayagoo u kuurgalaya xaaladda deegaanadii ay wax ka dheceen.
Dagaalka ayaa salka ku haya khilaaf dhinaca daaqa ah oo xoolo dhaqato iyo beeralay dhex maray,khilaafyada daaqa iyo biyaha ayaa ah kan ugu badan ee ka dhaca deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe.

Like it? Share it!

Leave A Response