Dad badan oo danyer ahaa oo aragooda dib u heley markii ay ka faa’idaysten qaliin loo sameeyey

by Hassan Ali | Sunday, Mar 12, 2017 | 73 views

12,March,2017(SofoNews) Mashruucaan indha fiiqista lacag la aantaa oo ay fulintiisa iska kaashanayaam hay’adda Al basar iyo isbitaalka Al Nuur ayaa ka bilowday isbitaalka weyn ee koofurta magaalada Galkacyo ee Galmudug kaas oo socan doona muddo 5 maalmood ah.
Dr C/risaaq Axmed Dalmar gudoomiyaha Hay’adda Al Nuur ayaa warbaahinta usharaxay inta loogu tala galay in ay ka faa’ideystaan mashruucaan iyo mudada uu socan doono wuxuuna sheegeuy in loogu talagaly dadka danyerta ah oo indhaha la’ in ay ka faaidaystaan maadaam aysan awoodin in ay iska bixiyaan qarshaadka looga baahanyahay in indhaha loogu fiiqo.

Agaasimaha isbitaalka weyn ee koofurta magaalada Galkacyo Maxamed Cabdi Axmed ayaa isna sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in Hay’adda Al Basar iyo isbitaalka Al Nuur ay mashruucaan ku qabtaan isbitaalka ayna uga mahad celinayaan daweynta iyo indha fiiqista ay u sameeynayaan dadka araga la ama qaba xanuunada ku dhaca indhaha

Qaar ka mida dadki ka faa’ideystay mashruucaan lacag la’aantaa ee la dagaalanka arag la’aanta oo aan la maray makaroofanka warbaahinta qaranka ayaa ka mahad celiyay daweynta iyo indha fiiqista lacag la’aantaa ay usameeyeen hay’adda Al Basar iyo isbitaalka Al Nuur iyagoona sheegay in haatan aragoodu uu yahay mid fiican .
Soomaaliya ayaa waxaa kunool kumanaan ruux oo ah dadka u nugul bulshada haba ugu darnaadeene dadka aragga la’ inta badana ma helaan daryeel nololeed iyo mid caafimaad intuba.

Like it? Share it!

Leave A Response