Dad ay abaar darteed ugu dhintay Galgaduud

by Hassan Ali | Monday, Mar 6, 2017 | 106 views

6,March,2017(sofoNews) Waxaa markii ugu horeysay ka bilowday Dhimashada dadka ay saameysay abaarta jirta deegaanada ku xeeran degmada Balanbal halkaasi oo laga soo sheegayo in ay u dhimatay gaajo iyo haraad gabar ka mid ah dadka reer guuraaga ah sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta qaranka dad ugurmaday qoska ay ka baxday gabshaasi
Gudoomiyaha degmada Balanbal Jaamac Xayle oo ii xaqiijiyay geerida gabadhaasi ayaa sheegay in hada ay bilaabatay dhimashada dadka kadib markii ay horey u dhaaftay duunyadii ay ku noolaayeen waxaana uu sheegay inay ka cabsi qabaan in cuduro iyo macaluul ka dhalatay abaarta ay kordhiso dhimashada dadka
Gudoomiyaha Gudiga gurmadka abaaraha Degmada Caabudwaaq Maxamed Haaraa ayaa sheegay in halista musiibada abaarta ay bilaabatay waxaana uu ka hadlay waxyaabaha u sababta ah waqtigan in loo dhinto.
Dad aad u faraban ayaa abaar iyo daran ku haysata deegaano katirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaliya.
Waxaa soconaya dadaalo ku aadan sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Like it? Share it!

Leave A Response