Daawo horumarka ka socoda Baydhabo

by Hassan Ali | Tuesday, Oct 25, 2016 | 183 views

25,October,2016(SofoNews) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa muddooyinki u dambeeyay laga dareemayay horumar dhinacyo kala duwan.

Dhismayaal cusub, horumar ganacsi, iyo kan kale ee adeegyada bulshada la xiriira ayaa laga dareemayaa magaaaldaasi.

Baydhabo oo xarun KMG ah u ah dowlad goboleedka Koofurgalbeed, waxaa laga hirgeliyay waddooyin cusub oo laami ah kuwo dib loo dayactiray, iyo dhismooyin casri ah, iyadoo ammaanka magaaladaasina si weyn loo adkeeyay

Qeybaha kaladuwan ee bulshada ayaa maamulka Koonfur Galbeed oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay in horumaro kaladuwan ay ku soo kordhiyaan magaladaasi, waxaa bar bar socoda maalgashi ay ku sameynayan qurba joogta iyo ganacsatada ka soo jeedda Baydhabo.

Marka aad booqato qeybo kamid ah magalaada waxaa kaaga muuqanaya bilicda dhismayaasha, wadooyinka, iyo xarumaha kale ee danta guudmaadaama wasaradaha kaladuwan ee maamulka Koonfur Galbeed ay halkaasi ka howlgalayaan laguna kordhiyay dhismayaal cusub.

0j1a8885-1 0j1a8885 0j1a8893 0j1a8895 0j1a8945 0j1a8961 0j1a8968 0j1a8970 0j1a8973 0j1a8978 0j1a8983 0j1a8990 0j1a8997 0j1a8999 0j1a9017 0j1a9026 0j1a9059 0j1a9077 0j1a9090 0j1a9157 2-14 4-11 30-1 dado_3 img_4853 quweta_3

Like it? Share it!

Leave A Response