Daacish oo weerar ku qaaday Boosaaso

by Hassan Ali | Thursday, Feb 2, 2017 | 143 views

2,February,2017(SofoNews) Wararka ka imaanaya magaalo xeebeedka Boosaaso ee xarunta gobolka Punri ee Puntland ayaa sheegaya in Labaqof  oo rayid ah ay geeriyootay laba kale oo ka tirsan ciidamada Puntland-na dhaawac uu soo gaaray, kadib marki kooxo hubeysan ay weerareen xalay  bar koontarool oo ku taala dhinaca koofureed ee magaalada Boosaaso.

Sida ay kuwaramayaan laamaha maanak aPuntland iyo dadka deegaanka waxaa la maqlayay  rasaas u muuqatay ineey is weeydaarteen ciidamadi koontaroolka joogay iyo kooxihi soo weeraray.

Sidoo kale Maamulka Puntland  ayaa sheegay inay baxsadeen raggii weerarkaasi geystey oo ay saraakiishu sheegeen in qaar ka mid ahi la dhaawacay.

Weerar kan xalay ka dhacay magaalad Boosaaso ayaa ku soo beegmaya yaadoo koxaha Daacish ay maalin ka hor 3 askari oo katirsan Puntland ay ku gowreceen deegaanka Karin oo hoostaga degmada Qandala ee gobolkasi.

Dilal qorsheysan iyo weeraro gaadma ah ayaa maalmihi dhawaa ka dhacay Boosaaso, waxaa intooda badan sheegtay koox sheegatay ineey xiriir la leeyihiin Kooxda Daacish.

Like it? Share it!

Leave A Response