Daacish oo soo bandhigay cod fariin ah oo ay ku sheegeen in uu soo duubay Abuubakara Albaqdaad.

by Hassan Ali | Thursday, Nov 3, 2016 | 187 views

3,November,2016(SofoNews) War soo baxaya yaa sheegaya in ururka la baxay Khilaafada Islaamka ay soo saareen cod ay shegayaan in uu yahay mid uu so duubaya  hogaamiyahooda Abu Bakar Al-Baqdadi.

Codkaasi la soo dhigay baraha internetka ayaa ku baaqayaa in shacabka ay difaacaan magaalada Moosil ee waqooyiga Ciraq kutaala halkaasi oo ay ku dagaalamayaan koxda Daacish iyo ciidamada Huwanta ah .

Wuxuu intaasi ku daray inaysan ka bixi doonin magaalada, uuna ku kalsoon yahay inay guul gaarayaan dagalkasi ka soconaya magaaladaasi Mousul.

Waa farriintii ugu horeysay oo Al-Baqdadi uu soo diro muddo sanad ah.

Sidoo kale waxa ay farriintan imaaneysaa iyadoo laba isbuuc uu socdo olole ka dhan ah ururkiisa.

Dullaanka oo ay hogaaminayaan ciidamada Ciraaq ayaa daacish looga qabsaday deegaano badan oo hareeraha Moosil ku yaalla.

Hay’adda u dooda xuquuqul insaanka, Amnesty International, waxa ay sheegeysaa inay cadahay in malleeshiyaadka Sunniyiinta ee qabsaday qeybo ka mid ah Moosil ay ka aargudanayaan ragga looga shakiyo inay daacish taageerayaan.

 

Like it? Share it!