Daacish oo bayaan ay soo saartay ku sheegtey in Muqdisho ay ku dishay sarkaal katirsanaa nabad sugidda

by Hassan Ali | Tuesday, Mar 28, 2017 | 112 views

27,March,2017(SofoNews) War qoraal ah oo ay baahiyeen kooxda Daacish ayaa waxay ku shegeen in ay ka dambeeyeen dil magaalaad Muqdisho loogu geystay sarkaal katirsanaa saraakiisha nabad sugidda Soomaaliya.
Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda falkaasi oo ka dhacay xaaafdo kuyaala degmada Yaaqshiid ee gobolkakani Banadir halkaasi oo ay sheegeen in rag iyaga katirsan ay ku beegsadeen sarkaal nabad sugidda katirsanaa.
Falkaasi dilka ah ayaa magaalaad Muqdisho ka dhacay 20-kii bishan waxaa ninka la dilay lagy magacaabi jiray Muxiyaddiin Amaddi oo ay tilmaameen in uu katirsanaa Ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka qaranka, balse ay shaaciyeen haatan dilkaasi.
Saraakiisha Nabad sugida iyo dowlada ayaan ka hadlin warkan kasoo baxay kooxda Daacish, waaana dilkii ugu horeeyay ee mudooyinkan dambe ka dhaca magalaada Muqdisho ay sheegtaan masuuliyadooda Daacish.
Muddooyinkii ugu dambeeyey ayaa waxaa soo ifbaxayay dhaqdhaqaaqyo ay ku lug leeyihiin ururka Daacish ayagoo sheegtey mas’uuliyadda falal dhowr ah oo ka dhacay Soomaaliya inkastoo aanu lahayn awood sidaasi u balaaran

Like it? Share it!