Culimada Soomaaliyeed ee Kenya kunool oo ku baqay gurmad in loo fidiyo dhibanayaasha

by Hassan Ali | Monday, Mar 6, 2017 | 102 views

6,March,2017(sofoNews) Culimada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Kenya ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ay abaaraha ku saameeyeen gobollo ka tirsan dalka Soomaaliya, iyagoo sameeyay guddi ka howlgeli doona wadanka Kenya.
kulan ay ku yeesheen culumada Soomaal ee ku nool magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa ka hadlay abaaraha baahsan ee ka jira gobollada dalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga dhowaaqay in la sameeyay guddi ay ku mideysanyihiin culimada Soomaaliyeed ee wadanka Kenya, kaas oo dadka Soomaaliyeed ay ku soo hagaajin Qaaraanka waxyaabaha ay ku tabarrucayaan.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed ee dalka Kenya oo kulanka hadallo ka jeediyay ayaa ku booriyay guud ahaan umadda Soomaaliyeed in ay isu gurmadaan, halkii ay wax ka sugi lahaayeen umado shisheeye.
Tan iyo wixii ka dambeeyay markii dhowaan qeybo ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya ay ku dhufatay abaarro baahsan oo saameeyay dadka iyo duunyada ayaa waxaa isa soo tarayay baaqyada loo jeedinayo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed taas oo ku aadan in si isku mid ah meel looga soo wada jeedsado dadka ay abaaraha kula dhufteen gobolka geeska Afrika.

Like it? Share it!

Leave A Response