Cod bixinta doorashad Galmudug oo socota

by Hassan Ali | Wednesday, May 3, 2017 | 45 views

3,May,2017(SofoNews) Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxaa haatan si toos ah uga soconaya Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayadoo ay ku tartamayaan ilaa 3 musharax.

Waxaa ka qeybgalaya doorashada Wafdi ka socda dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo mas’uuliyiin kale.
Waxaa haatan soconaya khudabadaha mas’uuliyiinta yadoo xildhibaanada ay si toos ah u dooranayaan qofka madaxweynaha noqonaya waxaana bilowday codayntii..
WAxaa siweyn loo adkeyeey amaanka magaalada Cadaado ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaa sugida amniga ka qeyb qaadanaya Ciidamada nabadsugida iyo kuwa AMISOM kuwaasi oo lagu arkayay howlga doorahsad aiyo qeybo kamid ah.
Xubnaha ku tartamaya ayaa kala ah Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Axmed Shariif Cali Hilowle iyo Prof. C/qaadir Shirwac.
Musharaxiintan ayaa xalay olole ballaaran oo ay ku kasbanayeen Xildhibaanada Galmudug ka waday magaalada, iyadoo ay xarumahooda ku qaabilayeen Xildhibaanada.

Like it? Share it!

Leave A Response