Ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab ka qabsaday Deegaanka Ceelgaras

by Hassan Ali | Sunday, Nov 13, 2016 | 357 views

13,November,2016(SofoNews) Sida ay SomaliaFocus u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, ciidanka Dowladda Soomaaliya  iyo kuwa Koofur Galbeed ayaa dib ula wareegay deegaanka Ceel Garas ee gobalka Bakool,halkasi oo dhawaan ay qabsadeen markii ay ka bexeen ciidamada Itoobiya.

Deegaankaan ayaa ka mid ah deegaano dhowr ah oo ay horay uga baxeen ciidanka Itoobiya, isla markaana ay la wareegeen maleeshiyada Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay in markii Al-Shabaab ay ka war heleen in ciidamada dowladda ay ku wajahanyihiin deegaankaas ay bilaabeen inay isaga baxaan deegaanka taasina ay keentay inay si nabad ah ay kula wareegaan.

Al-Shabaab ayaa dhibaato badan ku haaya shacabka ku nool deegaanada ay wali xooga ku haystaan, iyadoo ciidamada xooga dalka ay qorshaynayaan in Al-Shabaab laga saaro dhamaan deegaanada ay joogaan.

Dhawaan ayaa waxaa ay degmada Tiyeglow ee gobolka Bokool ku dileen 5 qof oo shacab ah kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen ciidamada dowladda

 

Like it? Share it!

Leave A Response