ciidanka dowladda iyo Amisom oo howlgalo balaaran ka wada duledka Muqdisho

by Hassan Ali | Wednesday, Feb 8, 2017 | 100 views

8,February,2017(SofoNews) Deegaanka Ceelasha biyaha ee duledka magaalaad Muqdisho oo xalay iska hor imaad uu ku dhexmaray ciidamada Amisom,kuwa dowladda oo isku dhinac ah iyo Alshabaab ayaa lagu soo waramaya in howlgalo balaaran ay halkaasi ka soconayaan.

Waxaa saakay xili hore ciidamadu ay ku jarmaadeen xaafadaha deegaanka oo ay ku dhaqaaqeen howlgal Baaritaan ah,ayado  saraakiisha howlgalkaasi hogaaminaysa  ay sheegeen inuu yahay baaritaankan mid lagu hubinayo Amniga.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay jirto casbi ay ka qabaan iska hor imaad markale halkaasi ku dhexmara labada dhinac.

Arintan ayaa imaaneysa xili xalay deegaanka Ceelasha Biyaha uu ka dhacay Dagaal udhaxeeya Shabaab iyo Ciidamaad dowalada oo ay taageerayeen kuwa Amisom kaaso uu ka dhashay Qasaaro soo gaaray Dhinacyadii  Dagaalamay.

Amaanka waddooyinka soo gala caasimadda ayaa siweyn loo adkeeyey waxaana xaniban geba ahaanba isu socodka dadka iyo gaadiidka si loo hubiyo amniga inta doorashadu ay socoto.

Like it? Share it!

Leave A Response