Ciidanka dowladda Ciraaq oo gudaha u galay magalaada Mosul

by Hassan Ali | Wednesday, Nov 2, 2016 | 191 views

2,November,2016(Sofonews) Waxa ay ciidamadan isku deyayaan inay markii ugu horeysay galaan magaalada, tan iyo markii ururka la baxay Khilaafada Islaamka uu qabsaday, in ka badan laba sano ka hor.

Waxaa jiro isku dhac aad u xoog badnaa oo shalay illaa xalay oo dhan ka socday xaafadaha hareeraha magaalada Moosil ku yaalla kuwaasi oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Daacish.

Qaramada Midoobeey ayaa dhankeeda sheegeysa in daacish ay shacabka isugu geyneyso goobaha istaraatiijiga ah ee Moosil.

Ururka la baxay Khilaafada Islaamka ayaa 25 kun oo qof oo shacab ah u adeegsanaya sida difaac ama gabaad oo kale, sida uu sheegayo Ravina Shadasani, oo ah afhayeenka arrimaha xuquuqda aadanaha ee UN.

 

Muddo laba sano ah  ayaa laga joogaa maarkii  Daacish ay qabsaden Magaalada Mosul, waaaxaana la sheegay in Ciidamada Ciraaq  ay iska cabin xooggan kula kulmayaan dagaalyahaaniinta Daacish sidii ay gudaha magaaladaasi u gali lahaayeen.

R/wasaaraha Ciraaq Xaydar Al=abaadi ayaa sheegay  inuu u maleynayo in Gudaha magaalada Mosul ay  ku jiraan 3 kun ilaa 5 kun dagaalayahaaniin hubeysan oo Daacish ah  qarkana u saran yihiin inay isdhiibaan.

Moosil oo daacish ay qabsatay sanadkii 2014, waxaa u badan Sunniyiin Carab ah.

 

 

Like it? Share it!