Ciidan godoodsan oo xrumaha doorashooyinka Kismaayo la wareegay

by Hassan Ali | Saturday, Nov 12, 2016 | 274 views

12,November,2016(SofoNews) Wararka ka imaanaya magalaad Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaaa sheegaya in ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa maamulka Jubballand ay manata muddo kooban qabsaday xaruntii doorashada xubnaha aqalka hoose Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Ilo wareedyo  ayaa sheegaya in ciidamada hubeysan ay isku gedaameen xaruntaas iyagoo is hortaag ku sameeyey ergooyinka dooranaya xubnaha aqalka hoose oo saaka xaruntaas geli lahaa.

Masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan maamulka Juballand ayaa dedaal dheer iyo wadahadal ka dib ku qanciyey ciidamadii gadoodsanaa iney ka baxaan xarunta doorashooyinka aqalka hoose ee Kismaayo, iyadoo loo sameeyey balan-qaadyo.

Ciidamadan ayaa ka cabanaya mushahar la’aan dhowr bilood heysata iyo daryeel xumo, waxayna dalbanayeen in la siiyo xuquuqdooda.

Xaalada xarunta doorashada aqalka hoose ee Kismaayo ayaa hadda caadi ku soo laabatay, waxaana loo fasaxay ergooyinka wax dooranaya iney gudaha u galaan, iyadoo goor dhow la filayo iney halkaas ka bilaabato doorashada xubnaha aqalka hoose oo maalintii afaraad halkaas ka socota.

Like it? Share it!