Ciidan gadoodsan oo qal qal geliyay amniga Garoowe

by Hassan Ali | Sunday, Feb 26, 2017 | 175 views

26,February,2017(SofoNews) Ilo wareedyo laga helayo magaalaad Garoowe ayaa sheegaya in Ciidamo gadoodsan oo katirsan Kumaandooska iyo Daraawiishta maamulka Puntland ay maanta la wareegeen xartunta Baarlamaanka Puntland ee kutaala magaalada Garawe iyo xarunta Wasaarada Maaliyada.
Ciidanka Gadoodsan oo watay gaadiidka dagaalka iyo hub badan ayaa xiray gabi ahaan wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xarumaha ay la wareegeen, waxaana mudo saacado halkaasi ka taagneed xiisad iyo cabsi xoogan.
Odayaasha dhaqan Puntland ayaa ku guuleystay in ay xal ka gaaraan ciidankaasi godoodsan ee Puntland ayadoo maanta ay ciidankaasi faarujiyeen goobihii ay qabsadeen.
Nabadoonka ayaa u balan qaaday Ciidanka gadoodsanaa in mudo bilooyin ah aan wax mushaar ah la siin in ay heli doonaan xaquuqdooda ayna arintaasi kala hadli doonaan maamulka Puntland uu ugu horeeyo Madaxweynaha.
Xaalada Magaalada Garawe ayaa hada ah mid degan, waxaana magaaladaasi banaanka uga baxay ciidankii gadoodsanaa, mana ahan markii ugu horeesay ciidan gadoodsan ay la wareegaan xarumaha maamulka Puntland.

Like it? Share it!