Ciidamo katirsan Jubbaland oo soo qabtay rag lagu eedeynayo Alshabaabnimo

by Hassan Ali | Monday, Mar 6, 2017 | 94 views

6,March,2017(sofoNews) Howlgaladan ay ka wadaan ciidamada amaanka Jubbaland dagmada baladxaawo ayaa waxaa lagusoo qabtay laba dhalinyaro ah kuwaasi oo lagusoo eedeeyay in ay falal amniga lidi ku ah ka wadeen dagmada balaxaawo ee gobolka gedo.
Hay’adaha ammaanka ee jubbaland ee ka howlgala dagmada Baladxaawo ayaa raggan iyo bastoolado ay wateen ku soo qabtay mid ka mid ah xaafadaha magalaada baladxaawo.
sida uu saxaafada u sheegay taliyaha nabadsugida gobolka Gedo Cali Abshir Xasan deer iyo sidoo kale gudoomiayaha dagmada Baladxaawo Maxamuud Xeed Cismaan waxaana ay sheegeen in ragaan ay falal lidi ku ah amniga ka geesteen dagmada baladxaawo baaritaanana ay ku socdaan cooood.
Maalmahan dagmada Baladxaawo waxaa ka socday howlgalo ay halkaasi ka wadaan ciidamada nabadsugida jubbaland kuwaasi oo lagu baadigoobayo kooxaha nabaddiidka e ka wada deegaanadasi falalka amniga lidiga ku ah.
Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa soconayay howlgalo ka soconayay gobolada dalka Soomaaliyeed.

Like it? Share it!

Leave A Response