Ciidamo isku dhaf ah oo howlgalo amni sugid ah ka wada Balanbale

by Hassan Ali | Wednesday, Feb 1, 2017 | 185 views

 1,February,2017(SofoNews)Hawlgalkaan oo ka  socday Degmada Balanbal Maalimihii la soo dhaafay ayaa waxaa wada jir u sameeyeen Ciidamo ka wada tirsan  Booliska Degmada, Ciidanka Milatariga Qaybta 21.aad iyo Kuwa Nabadsugadda Qaranka Soomaaliyeed qaybtooda ka hawlgasha Deegaanada maamul Goboleedka Galmudug.

Taliyaha Hay’ada Sirdoonka Qaranka  ee NISA u qaabilsan Qayba Galmudug waqooyiga Gobolka Galgaduud Cabdiwali Asad oo kula hadlay Degmada Balanbal warbaahinta Qaranka maanta ayaa sheegay in ay ku guuleysteen sugidda amaanka Degmada

Hareeri Xasan Barre oo ah Taliye Ku xigeenka ciidanka Asluubta ee Galmudug oo ka mid ah saraakiisha hagaya ciidamada sugaya amaanka degmada Balanbal iyo deegaanada ku xeeran ayaa sheegay in ay ku guuleysteen Sugidda Amaanka degmada waxaana uu baaq u dilay Maamulka Dawlad deegaanka Soomaalida ee  Itoobiya ( DDSI) in ay ka wada shaqeeyaan amniga deegaanada ku yaala xadka

Qaybaha Bulshada ayaa si wada jira u soo dhaweeyay Hawlgalka lagu sugayo amaanka degmada, Saaqo Siyaad oo kamid ah haweenka Degmada Balanbale ayaa sheegtay inay soo dhaweenayaan ciidamada wada howlgalka oo ay la shaqeyn doonaan

Ugu Dambayn Gudoomiyaha degmada Balanbal Jaamac Xayle ayaa sheegay in mudadii uu socday Hawlgalka ay ciidamadu qabteel Dad la tuhunsan yahay inay lidi ku ahaayeen amniga kuwaasi hada lagu wado baaritaan

Like it? Share it!