Ciidamo dheeraad ah oo ku qulqulaya magalaad Gaalkacyo

by Hassan Ali | Wednesday, Nov 9, 2016 | 219 views

9,November,2016(SofoNews) Wararka ka imaanay amagalaad Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in Saakay Degantahay  Xaaladda Guud Ee Magaalada Gaalkacyo,oo uu ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidamo badan oo ka kala socda Maamulada Puntland iyo Galmudug ay gaareen Magaalada gaalkacyo Saacadihii la soo dhaafay taasi oo u muuqata mid labada dhinac ay weli isku soo hub uruursanayaan.

Magaalada ayaa sidoo kale waxaa ka jirta Cabsi ay qabaan dadka Fara ku Tiriska ah ee ku Harsan ayadoo ay jiraan dad aad u farabadan oo horey uga barakacay halkaasi.

Sidoo kale waxaa jirta Baaqyo loo jeedinayo Dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada gaalkacyo oo ku aadan in la joojiyo Dagaalka Magaalada ka socda.

Dhowr jeer ayaa waxaa burburay heshiisyo nabadeed oo ay galeen mamaulada Puntland iyo Galmudug ayadoo dowladda Soomaaliya ay ku baaqday in colaadaasi la joojiyo

Like it? Share it!