Ciidamadii ku dagaalamay Gaalkacyo oo maanta lakala qaadayo

by Hassan Ali | Monday, Oct 10, 2016 | 171 views

10,October,2016(SofoNews) Waxgaradka  iyo culimaa’udiinka ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa la filayaa in ay maanta kala qaadaan ciidamada labada maamul ee isku hor fadhiya galbeedka magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Nabadoono iyo waxgarad ka soo kala jeeda labada qeyb ee magaalada Gaalkacyo ayaa kulan ay shalay yeesheen waxa ay ku gaareen heshiis xabad joojin ah iyagoo ugu baaqay maamulada labada dhinac inay la shaqeeyaan.

Dhaqanka deegaankaasi  ayaa sheegay in ay kala qaadi doonaan labada ciidan isla markaana sabibihii keenay dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo dhowaan ay wadahadal ku xalinayaan.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaan weli ka hadlin go’aanka ay gaareen duqeyda iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo ee ah heshiiska ay ku gaareen.

Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa degen saaka iyadoo shacabkana ay soo dhoweeyeen heshiiska ay duqeyda ka gaareen khilaafka magaalada Gaalkacyo.

 

Like it? Share it!

Leave A Response