Ciidamada Kenya kama Bixi doonaan Soomaaliya – Uhuru

by admin | Thursday, Mar 16, 2017 | 134 views

16 March 2017 (SofoNews) – Madaxweynahay Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee kusugan Soomaaliya aysan ka soo bixidoonin dalka sababo uu ku sheegay in ay halkaas ka difaacayaan dalkiisa.

Hadal uu jeediyay markiisa 4aad khudbad uu kula hadlayo shacabka ayuu sheegay in go’aanka ah in ciidamo loo diro Soomaaliya uu ahaa mid adag hasee yeeshee u jeedadu ay tahay in ay xaqiijiyaan nabad gelyada dalka Kenya.

Kenya ayaa ciidamo u dirtay Soomaaliya si ay garab ugu noqdaan dalalka ku mideysan AMISOM ee dagaalka qaraar kula jira al-Shabaab, hasee yeeshee dowladda Kenya ayaa dhankeeda qaniinyo kulul kala kulantay Xarakada al-Shabaab oo fulisay weeraro argigaxisinimo oo xanuujiyay Kenyaan badan.

Weerarkii Ceel cade oo askar badan ay uga geeriyoodeen iyo weerarkii ugu cuslaa ee ka dhaca geeska Afrika ayay ka fuliyee West gate suuqa la yiraahdo ee ku yaalla Nairobi.

Kenya ayaa kamid ah dalalka deriska ah ee danaha gaar ka ah ka leh Soomaaliya sida Itoobiya, waxaana ay si toos ah labada dal ay ugu lug leeyihiin siyaasadda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response