Ciidamada Itoobiya oo laga cabsi qabo in ay ka baxaan Tiyeeglow

by admin | Tuesday, Oct 25, 2016 | 145 views

25 Oct 2016 (SofoNews) – Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamda Itoobiya ee ku sugan gobolkaasi ay qorsheynayaan in ay ka baxaan Degmada Tiyeeglow Ee Gobolka Bakool.

Jahwareer iyo cabsi ayaa soo wajahay dadka deegaanka oo xilliyadii ugu dambeeyay ku dhex noolaa nidaamka deegaanka oo amaankiisa ay ka caawinayeen ciidamada Itoobiya.

Cabdi Ibrahim Takoy oo ah masuul dhanka amniga qaabilsan ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Itoobiya aysan ku wargelinin in ay ka baxayaan magaalada hasee yeeshee ay u sheegeen  in wax kasta wada tashi ay noqon doonaan.

Ciidamo itoobiyaan ah ayaa dhowaan ka baxay deegaanka Halgan ee Hiiraan halkaasi oo durbadiiba ay la wareegeen al-shabaab.

Howlgalka AMISOM ayaa arintan u arka mid jahwareer ku ah dhaq dhaqaaqyadooda xilli ay dhicidoonto doorasho dhowaan taasi oo si weyn looga dhursugayo.

 

Like it? Share it!

Leave A Response