Ciidamada Galmudug oo gacanta ku dhigay haweeney dishay gabar 7 sano jir ah

by Hassan Ali | Tuesday, Mar 7, 2017 | 125 views

7,March,2017(SofoNews) Sida aanu wararka ku heleyno magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug ayaa waxaa laga so sheegayaa dhacdo layaab leh oo loo geystay gabar 7 sano jir ah taasi oo amakaag ku ridday dadka deegaanka.
Haweeney lagu magacaabo Nasteexo Axmed Cali Xirsi oo kamid ah dadka ku dhaqan Cadaado ayaa la sheegay in ay Gowracday gabdha 7-sano jirka ah kadibna inta ay lafaheeda jejebisay ku riday juwaan sida laga soo xigtay taliska booliiska magaalada Cadaado.
Saraakiisha Booliiska degmada Cadaado ayaa faah faahin kabixiyaay qaabka uu falkaasi u dhacay.
Gaashaanle Xuseen Cumar Muumin taliyaha ciidamada degmada gaar ahaan kuwa saldhiga ayaa sheegay in ciidamada booliiska gacanta kusoo dhigeen Haweeneydii ka dambeysay dilka argagaxa leh ee ka dhacay magaalada Cadaado.
Waxa uu sheegay taliyaha in ay baarayaan waxa dhaliyay dilkan naxtdnta leh ee loo geestay gabadha yar, waxa uuna tilmaamay in hada xabsiga ku hayaan haweeneydii ka dambeysay dilkaasi iyo waliba ninka qabay haweeneydaas.
Hadal haynta ugu badan ayaa ah dhacdadaasi oo ilaa iyo haatan aan la ogayn waxyaabaha sababta u ah balse waxaa soconaya baaritaano ku aadan qaabak uu falka u dhacay.

Like it? Share it!