Ciidamada dowlada oo isaga baxay deegaanka Goof Gaduud ee gobolka Bay iyo shacbka oo barakacaya

by Hassan Ali | Wednesday, Nov 2, 2016 | 153 views

2,November,2016(SofoNews) Wararka SomaliaFocus ay ka heleyso gobolka Bay ayaa sheegaya in cabsi iyo wal wal xoogan ay soo food saartay shacabka kunool deegaanka Goof-Guduud ee hoostaga magalad Baydhabo ee xarunta gobolka ayagoo ka baqanaya dhibaatooyin ay kala kulmaan Alshabaab.

Arrintani ayaa ka dambeeysay kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay isaga bexeen deegaankaasi oo dhawaan uu dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo SHabaab.

Shacabka ayaa la sheegay in ay bilaabeen barakac xoogan ayagoo ka cabsanayaa in halkaasi ay soo galaan Alshabaab ayna dhibaatooyin u geystaan bulshada.

Deegaanka Goof gaduud oo ah deegaan Staraatiiji ah ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay dagaalo xoogan, ma cadda ilaa iyo haatans ababaha keeney in ciidamada Koonfur GAlbeed ay ka soo baxaan deegaankaasi.

Arrimahani ayaa imaanaya ayadoo lahadla hayo in ciidamadu ay ka soo baxayaan goobaha dagaalka sababo laxiriira mushahaar la’aan oo ahysata.

Like it? Share it!