Chad oo ku guuleysaty hogaanka midowga Africa

by Hassan Ali | Monday, Jan 30, 2017 | 127 views

30,January,2017(SofoNews) Shirkii hogamiyaasha midowga Africa ay ku yeesheen dalka Itoobiya waxay ku doorteen hogaan cusub oo bedelaya guddoomiyihii hore ee ururka .

Moussa Faki Mohamat, Wasiirkii Arrimaha dibadda Chad ayaa ku guulaystay inuu noqdo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Africa,kadib markii uu tartan adag dhex maray asaga iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya, Amina Maxamed.

Wareegii 8-aad ayuu ku soo baxay diplomasigan, asaga oo haatan noqonaya Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee rasmiga ah.

Waxa uu helay Mr. Moussa 38 Cod, halka ay Amina heshay 26 cod doorasho maanta oo Isniin ah ka dhacday Addis-Ababa, Ethiopia.

Shirkaasi ayaa waxaa Soomaaliya uga qeybgalay wefdi uu hogaaminayay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud oo kulamo la yeshey qaar kamid ah hogaamiyaasha midowga Africa

Like it? Share it!

Leave A Response