Cali Cabdulaahi Cosoble oo ku guuleystay doorahsada madaxweynaha Hir-Shabeele

by Hassan Ali | Monday, Oct 17, 2016 | 313 views

17,October,2016(SofoNews) Waxaa soo gaba gabowday Doorashada Madaxweynenimada ee dowlad Gobaleedka Hirshabeelle, taas oo ay ku tartamayeen labo Musharax.

Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa ku guuleestay Madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle kaas oo helay codad gaarayay 61 cod, halka Musharaxa kale oo ah Maxamed Cabdi Waare uu helay 36 cod.

Waxaa goor dhow la gali doonaa Doorashada Madaxweyne ku xigeenka ee Hirshabeelle oo ay ku tartamayaan labo musharax oo kala ah Cali Cabdulaahi Xuseen (Guudlaawe)  iyo Cali Xasan Hilowle (Taakow)

Like it? Share it!