Caleema saarka madaxweyne Farmaajo oo diblomaasiyiin caalami ah ka qeybgashay

by Hassan Ali | Wednesday, Feb 22, 2017 | 89 views

22,February,2017(SoFoNews) Munaasabaddani oo lagu caleema saarayay madaxweynaha Soomaaliya Max’ed C/laahi MAx’ed Farmaajo ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayadoo amaanka siweyn loo adkeeyeey.
Xafladda caleemo saarka waxaa ka qeyb galaya Madax kala duwan oo lagu casuumay iyo sidoo kale marti sharaf ka kala timid dalka dibadiisa iyo gudihiisa.
Madaxda ka qeyb galeysa Munaasabada Caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kamid ah Madaxweynaha dalka Jabuuti, Madaxweynaha dalka Kenya, Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya, Madaxweyne kuxigeenka dalka Sudan ,Wasiiro iyo madax kale iyo danjirayasha caalamka u fadhiya Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa gob joog ka ahaa Munaasabadda caleema saarka Farmaajo, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Madaxweyniyaashi hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, iyo Sheekh Shariif Shekh Axmed R/Wasaaraha waqtigiisa dhamaaday, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Macheal Keating ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay heesato Taageerada Beesha Caalamka oo dhan Shacabkana looga baahanyahay inay la shaqeeyaan.
Sidoo kale Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira ayaa asna sheegay inuu u hambalyeynayo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo hadal ka jeediyay Munaasabada ayaa u mahadceliyay dhamaan madaxdii ka soo qaybgashay munaasabadda wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay u baahantahay inay xiriir wanaagsan ay la yeelato dunida inteeda kale.
Wuxuu sidoo kale ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya dhibaatooyinka haatan horyaala wadanka, oo loo baahanyahay in si deg deg ah wax looga qabto si Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto.
Mar uu ka hadlay dhanka ciidammada ayuu sheegay Madaxweynaha in dowladiisa ay hubin doonto Mushaaraadka ciidamada inay si sax ah u heleen iyo in kale markasta, iyadoo sidoo kale uu madaxweynuhu u mahad celiyay dhamaan wadamada ay ka joogaan ciidamada AMISOM maadaama sida uu sheegay AMISOM Naf iyo maalba ay u hureen dalkeena.
Mudane Farmaajo ayaa ka hadlay colaada magaalada Gaalkacyo wuxuuna sheegay in dowladiisa ay ku dadaali doonto sidii loo dhamayn lahaa colaadaas oo aysan mar danbe u soo laaban.
Cadaaladda ayuu sheegay Madaxweynaha inay muhiim u tahay dowladiisa asagoo xusay in dib u eegis lagu samayn doono nidaamka cadaalada si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan kalsooni.
Mudane Farmaajo ayaa balan qaaday Dowladda Soomaaliya inay xoojin doonto xiriirka ay la leedahay dunida inteeda kale maadaama aduunyada oo dhan ay haatan isku baahantahay.

sarka_1 sarka_2 sarka_3 sarka_4 sarka_5

Like it? Share it!

Leave A Response