Cadaado Waxaa ka bilowday Doorashada Aqalka Hoose

by Hassan Ali | Thursday, Nov 10, 2016 | 158 views

10,November,2016(SofoNews) Magaalada Cadaado ee xarunta ku meel gaarka Galmudug  waxaa maanta ka soconaya doorashada xubnaha hoose  ee Baarlamanka Soomaaliya u Matali doona maamulkaasi Afarta Sana ee soo socota.

Ergada dooranaysa Xildhibaannada ayaa intoodii badnayd waxa ay haatan ku sugan yihiin halka ay doorashadu ka dhacayso, iygoo isu diyaarinaya Cod bixinta mudanayaasha u sharraxan Kuraasta Aqalka hoose ee Dalka.

Murashixiin badan ayaa u taagan Kuraasta Aqalka hoose ee Galmudug, waxaana ka dhex muuqanaya Haween doonaya inay ka helaan saamiga kaga soo hagaagay qoondada guud ee Dumarka oo ah 30%.

Doorashadan ayaa qeyb ka ah doorashooyinka kale ee ka soconaya gopbolada dalka Soomaaliya maadaama la filayo in dhawaan ay dalka ka dhacaan doorashooyinka baarlamaniga ah iyo tan madaxweynaha.

 

Like it? Share it!

Leave A Response